Muhiimadda Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha

Soddankii sano ee ugu dambeeyey dunida waxaa ka dhacay isbadallo waaweyn oo dhaqan dhaqaale ah, kuwaas oo si toos ah u saameynayey qaab-dhismeedka bulshooyinka adduunka. Sanadahaasi waxaa si xooggan u soo baxay isticmaalka taknoolajiyadda, taas oo loo adeegsanaayey fudadeynta nolasha, isla mar-kaana ay ka dhasheen xeerar cusub oo arrimahaasi soo ifbaxay lagu kala nidaamiyo, si loo ilaaliyo badqabka dadka.

Soomaalidu sannadahaas waxa ay xoogga saareen dhanka dhaqaalaha dhigitaalka ah (Digital Economics), maadama dalka uu ka burburay kaabayasha dhaqaalaha, Soomaalidu waxa ay xooggan saareen adeegyada dhijitaalka ah (digital services) gaar ahaan shirkadaha Isgaarsiinta, Xawaaladaha iyo Bangiyada, kuwaas oo inta badan saameyn weyn ku leh dalka oo dhan, sidoo kale sanadihii burburka waxaa dalka si xooggan uga shaqeynayey hay'ado caalami ah oo samafalka ka shaqeeya.

Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha samafalka waxa ay gacanta ku hayaan xogo, qaarkood ayaa xogahaas u adeegsada siyaabo aan habbooneyn, si aan loogu takrifalin, looguna xadgudbin xuquuqda xogta shaqsiyaadka ayey lagama maarmaan u noqotay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hirgaliso Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, Sidoo kale Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey March 2023, sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha (Data Protection Act) kaas oo dhowraya xaquuqda xog ay leeyihiin Muwaadiniintu.

Hay’addu waxa ay wax ka badali doontaa hababka loo uruuriyo xogaha ayada oo dhammaan Xoghayeyaasha, xog adeegsadeyaaasha iyo saraakiisha xogaha siineeysa wacyigelin, iyo tababaro ku saleeysan sida ugu habboon ee xogaha loo keydiyo ayadoo aan loo adeegsaneyn wax ka duwan wixii ujeedkii loo uruuriyey.

Ayadoo Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha ay mudnaanta koowaad siineyso ilaalinta Xogta Muwaadiniinta ayey waxa ay sameysay shuruuc iyo xeerar ay ku dhaqmayamayaan Hay’adaha Dowliga ah, Hay’adaha Caalamiga ah, Shirkadaha Isgaarsiinta, Bankiyada Iyo Goobaha Caafimaaadka kuwaas oo bud-dhig u ah ilaalinta xogta shaqsiyadeed.

Waxay Hay’addu ka shaqeyneysaa hirgelinta Xarun dhexe oo lagu keydiyo Xogta ( National Data Centre) taas oo lagu keydin doono dhammaan xogaha ay hayaan Hay’adaha aan dowliga ahayn.